Hot Topics

Video+Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo khudbad ka jeediyay shirka qaxootiga ee Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kamid ah madaxda ka qeyb galaysa Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay sharciyada horumarsan ee ay dowladda Uganda u dejisay qaxootiga, kaas oo siiyay qaxootiga Soomaaliyeed fursado ay kula falgeli karaan dadka ay martida u yihiin.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka labada malamood ka socda Kampala ayaa yiri “Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka