Hot Topics

Video:-Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo la saa’idiyay saacadaha shaqadiisa

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu wixii hada ka dambeeya shaqeyn doono 6-da subaxnimo illaa 10-ka habeenimo.

“Waxaa rabnaa inaan idinla socodsiino in garoonka uu shaqo bilaabay habeenkii, kaddib markii aan sameynay nalal ifiya dhabaha ay diyaaraddda ku orodo”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay shirkadaha Isgaarsiinta in Anteenooyinkooda ku yaala degmooyinka Wadajir, Waabari, Hodan, Xamar weyne, Xamar Jajab iyo Wardhiigle inay ku xiraan nalalka calaamadaha, si diyaaradaha u ogaadaana meelaha ay anteenooyinka ay suran yihiin xilliga habeenkii,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka