Hot Topics

Video:-Gudiga Doorashada Somaliland Oo sheegay In Muuse Biixi ku guulaystay Doorashada

Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.
 
Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% codadkii la dhiibtay..
Muuse Biixi oo sanadihiisa lixdamaadka ku jira ayaa noqonaya madaxweynihii shanaad ee Somaliland, isagoo ka guuleystay laba murashax oo kale oo u ordayay xisbiyada Ucid iyo Wadani, Feisal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, oo isagu shalay sheegay in doorashada qaabkii ay u dhacday aanu ku qanacsaneyn.
 
Murashaxii Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu helay 40.73% Murashixii Xisbiga Ucid, feysan Cali warabana uu helay 4.17%.
 
Doorashadan ayaa waxaa qaadacay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan cirro,kaasoo shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in dooarshada lagu shubtay oo aysan ahayn xaq iyo cadaalad.hoos ka daawo muuqaalka ku dhawaaqista Gudiga Doorashada Somaliland.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka