Hot Topics

Technology : Shirkad Kacday oo Diyaaradeheedii ku xaraashtay Internetka.

Labo diyaaradood oo waaweyn oo ah nooca Boeing 747 ayaa lagu iibiyay lacag dhan $48 milyan oo doolar, iyada oo lagu xaraashay barta iibka Internetka ee Taobao ee dalka Shiinaha laga leeyahay.

Diyaaradahan ayaa ka hadhay shirkad musalaftay, waxaana muddo dheer la raadinayay ciddii iibsan lahayd. Lix jeer oo hore  oo si caadi ah loo soo bandhigay si loo iibsado ayay suurtogali weyday.

Waxaa iibsatay shirkadda diyaaradaha ee Shiinaha laga leeyahay ee SF Airlines, taas oo xaraashka kaga badisay 25 shirkadood kale oo danaynayay in ay iibsadaan.

Shirkadda Jade Cargo International oo diyaaradahan lahayd ayaa suuqa ka baxday , waxayna doonaysaa in hantideedii ay iska xaraashto. Wali waxaa u dhiman diyaarad saddexaad oo aanan laga iibsanin.
Iibka internetka ayaa ah mid muhiimadiisa ay sii kordhayso, waxayna dadka intooda badan doorbidaan in ay wax ka iibsadaan internetka.

Idilnews.com

Xafiiska Garoowe .