Hot Topics

Shabaab oo sheegtay qarixii ka dhacay Bosaso iyo Puntland ka hadashay (Daawo)

Bosaso – Warbixin ay baahisay warbaahinta ku hadasha af-ka Al-Shabaab, ayaa cadaysay inay ka danbeeyeen weerarkii bam-gacanka ahaa oo lagu qaadey ciidamo watey gaari nooca tiknikada ah, isla markaana dhexmarayay gudaha magaalada Boosaaso.

Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex Askari, kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Gudoomiyaha  Yaasiin Mire Maxamuud oo warbaahintala hadlay ayaa sheegay  inaysan jirin cid ku dhimatay falkaansi, balse jiraan dhaawac soo gaaray askartii gaariga tiknikada saarnaa.

 Yaasiin ayaa shacabka reer Bosaso u diray inay ka qayb-qaataan adkaynta nabad-galyada magaalada, si logo hortago falalka lidiga ku ah amaanka mandiqadani.