Hot Topics

Dhageyso:-Axmed Madoobe”Hoggaamiyaasha Al-Shabaab Oo Dhan Jubbaland Ayay Ku Wada Sugan Yihiin”

Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland deegaanadiisa kala duwan ay dhibaato ku hayaan Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay Xaruntiisii ka maqan tahay, waliba sidoo kale Guud ahaan Gobolka Jubbada Dhexe ay ku jirto Gacanta Al-Shabaab kaas oo ah Gobol Muhiima sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay keentay in hoggaamiyayaasha Shabaab oo dhan ay ku soo dhuuntaan gobolka Jubbada dhexe .

 

Hadalkaan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay xili uu Maanta ka qeyb galayay shirka Amniga Qaranka ee lagu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.