Hot Topics

Faysal Khaliif “Ururka MAP uma baahna marya-calas iyo dad aan aqoon lahayn” (Daawo)

Nairobi – Faysal Khaliif Barre Gudoomiyaha xilligiisiidhammaaday ee ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP oo waraysi siiyay RTNTV ayaa ka hadlay arimo la xiriira doorashada madaxda ururkaasi iyo murashixiinta xilligan u taagan qabashada xilkaasi.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in ururka uu gudoomiyaha ka ahaa aysan aqbali doonin inay isu sharaxaan shaqsiyaad uu sheegay inaysan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u qalmin inay isu sharaxaan aysana aqbali doonin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay kooto gaar ah u qorsheeyeen gabdhaha kujira ururka ee ka qay-bgelaya doorashada haseyeeshee, wuxuu dhalinyaro iyo suxufiyiin sharaxan ugu baaqay inaysan fursadda ka khasaarin dadka aqoonta leh.