Hot Topics

Madrid oo lacag iyo laacib ku badalaneysa Dybala

Real Madrid ayaa qorsheynaysa heshiis is dhaafsi oo waali ah si ay u soo jiitaan xiddiga Juventus ee Paulo Dybala.

Waa sida ay qabaan warsidayaasha Talyaaniga Rai Sport,  Calciomercato, kuwaa oo sheegaya in madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez uu go’aansaday inuu isku dayo sidii uu caasimada Spain u keeni lahaa xiddiga reer Argentina.

Real Madrid ayaana la warinayaa inay dooneyso in heshiiska Dybala ay qeby uga dhigto xiddigeeda qadka dhexe eeToni Kroos oo ay waliba raacin doonto lacago si ay heshiiska u dhammeystirto.

Kooxda lagu naaneyso Marwada duqada ah ee Juventus ayay ka go’an tahay sidii ay u xafidan lahayd Dybala, laakiin waxaa laga yaabaa inay ku qasbanaato inay miiska u soo saarto heshiis cusbooneysiin qaali ah si ay u farxad galiso.