Hot Topics

Shaqooyin ka Bannaan Dowladda Federaalka (Akhriso)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqooyinka ka bannaan oo loo dartamayo.

Waxaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ka bannaan jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Federaalka, Agaasinka Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaaraha iyo Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

“Si loo dhaqangeliyo qorshaha isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaa Dawladda Federaalka ka go’an si caddaalad ah oo siman in dadka Soomaaliyeed ay ku helaan shaqooyinka, qof walba na lagu qiimeeyo aqoonta uu u leeyahay shaqada loo dhiibayo” Sonna.

Si aad u soo codsato fadlan la soo deg labada fayl ee hoos ku lifaaqan. Faylka kowaad waxa uu faahfaahin kooban ka bixinayaa habka loo marayo xulashada tartamayaasha iyo shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha. Faylka labaad waxaa soo buuxinaya tartamayaasha, waxana ay ku soo dirayaan emailka hr@opm.gov.so ugu danbeyn 17 Diisembar, 2017 11:59 fiidnimo (saqda dhexe).

  1. DEGSO:Talobixin-Kooban-Final

2. DEGSO: Arjiga-Codsiga-Shaqada

Halkaan ka Tixraac: https://opm.gov.so/shaqooyin