Hot Topics

Heshiis laga gaaray dagaal u dhexeeya oromada iyo Somalida Itoobiya (Maqal)

Waxaa heshiis buuxa laga gaaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo Bariga Itoobiya ku dhex maray Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida kadib kulamo kala duduwan oo ka dhacay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Ibraahim Maxamuud Mubaarak Duqa Magaalada Jigjiga ayaa sheegay in marka hore la go’aamiyay in dadkii ka soo barakacay deegaanadii lagu dagaalamay lagu celiyo,sidoo kale cid alaala cidii ka tagtay Jigjiga ay ku soo laabato iyo in dadkii kala heystay hanti la isugu celiyo.

Duqu wuxuu  sheegay in shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Magaalada Adis Ababa heshiiskaas lagu gaaray isla markaana Bulshadu ay aad u soo dhaweeyeen.