Hot Topics

Maxaad ka taqaanaa Musharax Yaasiin Cabdulaahi ”

Yaassiin Cabdullahi waa siyaasi Soomaaliyeed oo deggen Magaalada Gothunberg ee dalka Sweden.

Yaassiin waaa aqoon yahan Soomaaliyeed oo u
tartamaya mid ka mid ah kuraasta Baarlamaanka ee Xisbiga Centerka (Centerpartiet) iyo weliba kan
degmada.

Runtii dad badan,ayaa aad ugu faraxsan in uu ka mid ahaado tartameyaasha matalaya Soomaalida maadaama uu yahay masuul waxqabad hore oo la taaban karo lahaa.

Musharax Yaassiin Cabdullahi oo mar aan fadhi la yeeshay aan wax ka waydiiyay doorashada Sweden iyo Somalida wayuu ka yiri..

” Waxaan u baahanahay in aan codkeena mideyno isla markaasna ucodeyno qof ka soo bixi kara waajibaadka aan u idmanay. Qofkaasi waa inuu noqdaa mid aan siyaasadda u gelin hunguri ama dano isaga qaas u ah. Isla markaana muujin kara bisayl siyaasadeed iyo karti waxqabad ku dhisan”

Erayadaasi waxay igu noqdeen kuwo lama dhaafaan ah oo mudan in loo hakado sida aan filayo akhristayaashana waxay u noqon doonaan kuwo ay u hakadaan.

Markaan yara jaleeco taariikhda Musharax Yaasiin si kooban”

Musharax Yaasiin Wuxuu wadanka yimid isaga oo dhalinyaro ah sannadkii 1992-kii wuxuu wax kusoo bartay dalkii Hooyo ee Somaliya,isla markaana waxuu Waxbarashadiisa ku dhamaystirtay.

Sidoo kale waxuu ku hadlaa musharax Yaasiin Luuqadaha Talyaaniga,Ingiriiska,Iswiidhishka,Soomaaliga,Faransiiska,Carabiga iyo Shiinayska.

Yaasiin waxuu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay 15isla Wadanka Sweden .kuwaasoo aan ka xusi karno Caafimaadka,Macalanimo iyo ushaqaynta Bulshada.

Yaasiin waa Aabe leh laba Caruur ah Yoonis iyo Aamina kuwaas oo ku dhashay Dalka Sweden.

Musharax Yaasiin waa masuul in badan usoo istaagay garab istaaga bulshada Somaliyed ee ku dhaqan dalka Sweden.

Mudo gaaraysa 25-sano ayuu Musharax Yaasiin utaagnaa wax uqabashada ama waxkaqabashada dhibaatooyinka mar walba soo wajaha Bulshada Somaliyed ee ku dhaqan dalka Sweden.

Hadaba anigoo aaminsan in bulshadeenu ay u baahan tahay qof aad u firfircoon oo awoodi kara in uu wax ka badalo siyaasadda sii xumaaneysa ee cunsuriyadda iyo isir nacaybka ku saleysan ee xukuumadda xligan hogaamisa dalkan Sweden ay ku shaqeyneyso waxaan bulshada Somaliyed ku baraarujinayaa in uu yahay Yaasiin Masuul awooda laguna aamini karo hawshaas.

Ugu danbayntii waxuu Musharax Yaasiin waxuu waydiisanayaa bulshada Somaliyed ee ku dhaqan Dalka Sweden in ay codkooda siiyaan una midoobaan sidii ay doorashada soo socota Somalidu guul uga gaari lahayd.