Hot Topics

Ra’isalwasaare Khayre iyo Ra’isalwasaaraha Norway Oo kulan wada yeeshay

Magaalda Davos ee dalka Switzerland ayaa waxaa shalay ka furmay shirweynaha caalamka ee dhaqaalaha.
 
Shirkan oo ay sanad walba ka qeyb galaan hoggaamiyeyaasha ganacsiga caalamka, madaxweynayaal iyo marti sharaf kale, ayaa xoogga lagu saaraa sidii loo abuuri lahaa mustaqbal dhaqaale oo wadaag ah.
 
Soomaaliya, waxaa uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul Wasaare Xassan Cali Khayre.
 
Ra’isalwasaare Khayre oo ku guda jira ka qaybgalak shirkaas,ayaa maanta kulan la yeeshay ra’isalwasaaraha dalka Norway.
 
Kulankan ayaa looga hadlayay sidii labada dal u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya iyo sida dowlada Norwey u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowlada Soomaaliya.
 
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay dowlada Norwey doorka taageero ay siiso Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ka faa’iideesaneyso taageerada ay hesho wadamada saaxiibada la ah.
 
Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Switzerland intii uu joogay waxuu la kulmay Madax kala duwan.