Hot Topics

Madaxweyne Gaas Oo magacaabay Talyaha Booliska Puntland iyo ku xigeenadiisa

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay Saraakiisha hogaamin doono Ciidamada Booliska Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr-04  January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Datuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa  S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

2-Waxaa  G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

3-Waxaa   G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.