Hot Topics

Video:-Jaaliyada Puntland Ee dalka Qadar Oo si burhaan leh U maamuustay Wasiir Saalax Xabiib

Jaaliyada Puntland ee  ku dhaqan dalka Qadar  ayaa  kulan Soo dhaweyn ah u samaysay Wasiirka  Wasaarada Cadaalada ee  Dowlada Puntland Mudane Saalax Xabiib Jaamac .
 
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoonka Jaaliyada oo ugu horeeyo Gudoomiye Cabdinaasir Cawaale,isagoona kusoo dhaweeyay Wasiirka Dalka Qadar sheegayna in ay hayaan  niyad wanaagsan,isla markaana yihiin dad  isku xiran oo kamidaysan danta guud,sidoo kale ku faraxsan horumarka ay dowlada ka wado Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.
 
Wasirka Cadaalada Saalax Xabiib ayaa dhankiisa uga mahadceliyay jaaliyada soo dhaweynta wanaagsan ee uu kala kulmay ,waxuuna uga warbixiyay xaalada guud ee deegaanada Puntland, Horumarka ka jira iyo shaqada ay qabato gaar ahaan Wasaaradiisa.
 
Wasiirka ayaa maalmaha soo socda waxaa la filayaa in uu  ku Sugnaado dalka Qadar,isagoo kulamo la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Waaarada Cadaalada ee dakaasi Qadar iyo Jaaliyada Qadar.
 
Jaaliayada Puntland ee Dalka Qadar ayaa ah jaaliyadaha Puntland kuwooda ugu waxtarka badan dalka iyo dadka,hoos ak daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka