Hot Topics

Somaliland-tii cusubayd labadii dhanba waa laga dharbaaxay todobaadkan!!

Jabuuti ayeynu ogayn oo Gudoomiye-xisbi qaran Nin sheegta oo lagu magacaabo Faysal Cali Waraabe ku tilmaantay Calooshiisa u shaqayste lasoo kiraystay iyo wakiilkii Jabuuti oo ku xoojiyey hadal duur-xul ah.

Waxaa raacay wiilka hadalka cad, xaragadda badan, awooda-buuxda ku muquuniyey qoorwayntii Muqdisho, ee sida madaxda reer Yurub u labista Ra’isal-wasaare Khayre, oo heshiiskii DP iyo Somaliland ku tilmaamay, hadal macne ahaan u dhadhamaya in uu heeshiisku yahay.

”Wiil aan sharci ku dhalan, wax la aqbali karana, aan ahayn”

Khayre isaga; oo ku labisan Suudka-madaw, Tayguna si giijisan qoortiisa usudhanyahay, awood iyo kalsoonina ka muuqato, labadiisa dhinacna ay kala joogaan Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Dekeddaha dawladiisa, gacmuhuna u saaranyihiin miiska gobolka ah ee hortiisa yaal, calankii buluuga ahaana dabadiisa ka muuqdo, ayuu hadalo dhiiranaani ka muuqato Somaliland iyo DP World ugu digay.

Ayaamaha soo socda, bal waxa aynu eegi doonaa sida Madaxtooyada somaliland ee xariifka ku ah siyaasda Beelaha,sida ay xaaladan cusub ee dibloomasiyadeed, u maarayso, iyada oo aynu ogsoonahay culayska badan ee ka haysta dhanka gudaha.

Waxa aan arkay dhawrkan maalmood iyo dareenkayga.,Jibril Qoobey.