Hot Topics

Sidee Umuuqan doonaa dhismaha cusub Ee baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya?

Gudoomiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka fadaraalka Maxamed Cismaan Jawaari,ayaa sheegay mar uu shalay ka qaybgalay barnaamij si toos ah uga baxayay Tv-ga Qaranka,kaasoo shacabku su’aalo ku waydiinayeen,ayaa sheegay in guriga baarlamaanka fadaraalka ah gabi ahaantiisa la burburin doono,shaqada baarlamaankuan kusii socon doonto meel kumeelgaar ah oo uu kusii shaqeeyo, kadibna la bilaabi doono dhismaha guriga.
 
“Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso” ayuu yiri Prof Jawaari.
 
Hadaba warbaahinta idil News ayaa heshay sawiro muujinaya naqshada uu noqon doono baarlamaanka cusub ee fadaraalka.
 
 
Halkan ka daawo sawirada