Hot Topics

Wasiiru-dowlihii amniga Ee maamulka Koonfur-galbeed Oo qarax lagu dilay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax lagu dilay Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali “Baraf” oo ah wasiiru-dowlaha amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaan Axmed Cabdi Faarax (Kabaweyne) oo ka tirsan xildhibaannada maamulka Hir-Shabeelle.
 
Gaari ay saaraayeen saraakiishan ka tirsan maamulada Koonfurgalbeed iyo Hir-Shabelle oo ka soo baxay magaalada Wanlaweyn kuna soo jeeday Muqdisho, ayaa qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa tuulooyinka Doonka iyo Buulalow ee u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Afgooye.
 
Maxamed Siidow Cabdiraxman, guddoomiyaha degmada Wanlaweyn ayaa VOA u xaqiijiyay jiritaanka qaraxaas, iyo dhimashada masuuliyiintan.
 
Waxa kale uu sheegey in laba askari oo ka mid ahaa ilaalada mas’uuliyinta ay qaraxaasi iyana ku dhinteen.
 
Masuuliyiintan oo markii hore dhinaca dhulka kaga safray Muqdisho ayaa ku biiray wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aaden oo maanta tagay garoonka Belidogle ee gobolka Shabeelaha Hoose oo saldhig u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, iyo saraakiil Mareykanka ah oo ka taageera dhinaca howl-gallada.
 
Waxaana qaraxa uu haleelay markii ay kulankaasi Belidogle ka soo noqdeen iyagoo ku sii jeeday Muqdisho.