Hot Topics

‘Madaxii Hey’ada UNICEF Somaaliya Ugu Sareeyey oo Loo Xiray Dhul Uu Lahaa M/weynahii Hore ee Soomaaliya Marxuum C/Laahi Yuusuf

Waxaa xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho loo taxaabey Maxamed Nuur Yalaxow “Xiis” oo ahaa madaxii ugu sareeyey hey’ada samafalka UNICEF Somaaliya isagoo lagu soo eedeeyey dhul uu mudo ka badan 20s-anno sifo sharci daro ah ku heystay..

Mr Yalaxow ayaa xarunta dhexe ee Dambi Baarista Qaranka CID ku xirnaa 48-sacadood ee la soo dhaafey ka dib markii lagu helay documents been abuur ah oo banaanada laga soo sameeyey.

Sarkaalkan sarre ee ka tirsan UNICEF ayaa shalay oo taariikhda aheyd 7-da Maarso waxaa la horkeenay Xaafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka & Maxkamada Sarre ee Gobolka Banaadir kuwaas oo isku raacey in Xabsiga dhexe ee Muqdisho loo gudbiyo.

Maxkamada horteeda ayaa waxaa la soo bandhigay documents muujinaya lahaanshaha dhulka Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusif Axmed,

Documentis-kaas oo kala ahaa Faafintii Rasmiga ahayd ee xiligii dhulka la bixiyey taas oo aheyd bishii April 30,1967,

Warqad cadeyneysa lahaanshaha dhulka oo ka soo baxdey Gobolka Banaadir kuna sixiixan Duqii hore ee G/Baandir Md Thaabit,

Waraaq ay qortey Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo qaraabo dhow la ah eedeysanaha oo sheegeysa in uu eedeysanahu uusan dhulka laheyn iyo cadeemo kale oo tirro badan oo muujinaysa cida iska leh dhulkaas.

Arrintan ayaa sannadkii tagey waxaa War Saxaafadeed ku qabtay dhulka muranka ka taagan yahay dhexdiisa Nabadoon Xaad oo ka wakiil ah beesha uu eedeysanaha ka soo jeedo,Xildhibaano, Afhayeenka G/ Banaadir Md Xalane iyo mas’uuliyiin kaloo tirro badan, waxayna isku wada raaceen sida uu sharciga qabo in dhulkaas ay leeyihiin ehalada Madaxweynahii hore Soomaaliya C/lahi Yuusuf Axmed.

Muranka dhulkan ayaa soo jiitamayey mudo dheer waxaana fulin tan la mid ah sidoo kale ka sameeyey 2014-xukuumadii Madaxweyne Xassan Shiikh.