Hot Topics

Ninkii dilay saxafiyadii reer Sweden oo markhaatiyaal ku cadaynaya falkaas loo helay

Nin u dhashay dalka Denmark , Peter Madsen oo loo heysto dilka gabadh saxafiyad ah oo wax ka qoreysay markab gujis ah oo uu isaga sameeyay ayaa maxkamad lasoo taagayaa, kadib markii la heley cadeymo muujinaya in uu falka geystay.
 
Ninkan ayaa la sheegay in uu kufsaday gabadha oo lagu magacaabo Kim Wall, una dhalatay dalka Sweden, kadibna uu dilay, jirkeedana uu qeyb qeyb u kala gooyay. Labadooda kaliya ayaa wada saarnaa markabka markii dad ugu war dambeysay gabadha, halkaas oo ay waraysi gaar ah kaga qaadaysay.
 
Waa uu beeniyay in uu falka geystay, balse waxaa maxkamadda mid mid loo hor keenayaa illaa 40 qof oo ku marqaati kacaysa in uu isaga falka ka dambeeyay, sheekeysana waxa ay ogyihiin.
 
Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee ku sugan magaalada Copenhagen oo ay dacwadda ka furantay, dacwad oogayaasha ayaa qalbac qalbac isula doonanaya cadaymaha kala firirsan ee dambigan oo markii horeba aad isugu murugsanaa.
 
Qof bushkuleeti ku jooga ayaa heley qeyb ka mid ah jirka saxafiyadda 10 maalmood kadib markii la waayay, markii dambane booliiska ayaa heley qeybihii kale ee jirkeeda oo bac lagu gurey.
 
Hadalo is burinaya ayuu booliiska u sheegay Peter, mar ka mid ah waxa uu sheegay in ay ku dhimatay markii uu quusay markabkii ay wada saarnaayeen labadooda kaliya, marna wuxuu sheegay in ay dhimatay, kadibna uu badda ku aasay.
 
Waxaa suurtogal ah in xabsi daa’in lagu xukumo haddii lagu helo dambigan, kaas oo sharci ahaan dhan muddo dhan 15 illaa 17 sano oo aanan qofka la siin doonin cafis.
 
Ms Wall ayaa horey uga soo warantay dalalka Kuuriyada Waqooyi, Uganda, iyo Haiti, iyada oo u shaqaysay wargeysyada New York Times, Guardian, Vice, iyo South China Morning Post.
 
 
Xigasho BBC.