Hot Topics

Video:-Booqashada M.Bin salmaan Ee Uk Oo xaalad abuurtay

Maxamed Bin Salmaan Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga,ayaa booqasho ku maraya dalka Boqortooyada Ingiriiska.
 
Booqashadan ayaa ah tii ugu horaysay ee uu Maxamed Bin Salmaan ku yimaado dalka dibadiisa tan iyo intii uu Xaafiiska la wareegay.
 
Booqashadan ayaa ah mid si weyn loo agaasimay dowlada Uk waxay u samaysay soo dhaweyn aad u saraysa.
 
Dad aad u fara badan oo kasoo horjeeda booqashada Maxamed Bin Salmaan ayaa ku hor mudaaharaaday afaafka hore ee albaabka xaafiiska looga arimiyo dalka Uk.
 
Hogaamiyaha mucaaradka Uk ayaa sheegay in ay danbiga dagaal ee ka dhacay Yemen ay qayb ka yihiin lataliyayaasha Milatari ee ay dowlada Uk udirtay Boqortooyada Sacuudiga si ay ugala taliyaan dagaalka ay ku qaaday dalka Yemen
 
Dowlada Uk ayaa umuuqata mid ilaalsanaysa xiriirkeeda ganacsi ee ubadan dhanka Milatariga ee ay la leedahay dowlada Sacuudiga,sidoo kalena aan dhagjalaq suiinayn kooxaha kasoo horjeeda booqashada Maxamed Bin Salmaan.
 
Hoos ka daawo muuqaalka booqashada iyo muadaaharaadyada xooga leh ee looga soo horjeeday imaanshihiisa Uk..

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka