Hot Topics

Video:-Madaxda Hindiya Oo si maqaab sare leh Usoo dhaweeyay waftiga D.Fadaraalka

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa la kulmay  madaxweynaha dalka Hindiya Ram Nath Kovind, Ku-xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo  ra’iisal wasaaraha dalka Narendra Modi

Soomaaliya ayaa ayaa qeyb ka noqoneysa dalalka ka qeybgalaya shir caalami ah oo dalkaasi ka furmaya oo lagu falanqeynayo sidii quwadda cadceeda looga faa’ideysan lahaa, waxaana lagu wadaa in shirkaasi uu khudbad ka jeediyo, Ra’isul wasaare xigeenka Soomaaliya. Waxaa Ra’isul wasaare ku-xigeenka safarkiisa ku wehliya Wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukumadda Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow.

Madaxda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa wadajir u soo dhaweeyay Ra’iisal wasaare xigeenka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaana uu kala qayb galay kulan casho sharaf ah oo Hindiya ku qaabishay madaxda 121-ka dal oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance oo ka furmaya magaalada New Delhi. Shirkaan ayaa muhimad gaar ah u leh dalka Soomaaliya oo qoraxdeeda lagu tilmaamay midda ugu wanaagsan ee korontada laga dhalin karo.

 

Hadaba hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka