Hot Topics

Xili xaafiiseedka Madaxweynaha Shiinaha Oo laga dhigay mid furan

Kumannaan ah ergada xisbiga Shuuciga ah ee haya talada Shiinaha ayaa lagu wadaa in ay maanta ansixiyaan isbadal lagu sameeyo dastuurkaa dalkaasi.
 
Isbadalkani ayaa u ogolaanaya madaxwayne Xi Jingping in uu xafiiska sii joogo waqti aan la cayimin.
 
Dadka ka soo horjeeda arrintan ayaa waxa ay ka digeen khatarta ay yeelan karto in meesha laga saaro xaddidaada muddada uu madaxwaynaha xilka hayn karo oo ahayd fikir uu keenay asaasihii kacaanka Shiinaha Deng Xiaoping sanaddii 1982.
 
Mid ka mid ah tafaftirayaashii hore ee wargayska dowladda Shiinaha ayaa sheegay in go’aankani uu qalalaaso horseedi doono.
 
Codeynta maanta lagu wado in ay sameeyaan golaha congreska xisbiga talada Shiinaha haya ayaa lagu wadaa in aysan wax caqabad ah kala kulmi doonin ansixinta isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaasi.
 
Shiinaha oo hawada u diray satellite isgaarsiinta mobileka
Tirada caruurta ku dhalaneysa Shiinaha oo sare u kacday
Shiinaha: Konton Mas ayaa baxsaday
Dastuurka Shiinaha ayaa imika ku xaddidaya waqtiga uu xilka hayn karo madaxwaynaha laba mar oo min shan sano ah.
 
Madaxwayne Xi Jinping ayaa loo arkaa in uu dhidibada u sii aasayo awoodiisa.
 
Mr Xi ayaa qabtay xilka madaxwaynanimada Shiinaha sanadiii 2012, waxa uuna si dhaqso ah u bilaabay in uu dhidibada u aaso awoodiisa shaqsiyadeed.
 
Waxa uu sidoo kale la dagaalamay musuqmaasuqa , isaga oo ciqaabay in ka badan hal milyan oo xubno ka ah xisbiga taasi oo sare u qaaday caanimadiisa.