Hot Topics

Dooni ku gubatay meel U dhow Dekeda Bosaso

Inta la og-yahay Labo Ruux oo ka mid ahaa 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso.
 
Shaqaalaha ku dhaawacmay dabka ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir- ku -xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.
 
Doonta ayaa sidoo kale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd oo isugu jirtay Bagaash,Gawaari, Shidaal, Gaaska Cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.
 
Waxaa soconaya dadaal xoogan oo la doonayo in lagu damiyo Doonta oo ay ku basbeelleen dhamaanba hantidii saarneyd.