Hot Topics

Booliiska Faransiiska oo la tagay madaxweynihii hore Sarkozy

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa loo sii qaaday saldhig booliis si su’aalo looga waydiiyo eedaymo sheegaya in uu dhaqaale uu ku ol’olaystay ka qaatay madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Qaddafi.
 
Booliisku waxay baarayaan nidaam darro ka jirtay dhaqaalihii uu madaxweynenimada ugu ol’olaystay sannadkii 2007dii.
 
Booliiska ayaa horay su’aalo u waydiiyay. Alexandre Djouhri oo kaaliye u ahaana dhawaan ayaa lagu xiray magaalada London.
 
Sarkozy ayaa ku guuldarraystay in uu awoodda ku soo laabto sannadkii 2012kii.
 
Ilo waaxda caddaaladda ka tirsan ayaa sheegay in su’aalo lagu waydiiyay deegaanka Nanterre, oo ka tirsan magaalada Paris.
 
Sannadkii 2013kii Faransiiska ayaa billaabay baaritaan ka dhan ah eedaymo sheegaya in ol’olihiisa doorashada loo adeegsaday dhaqaale sharcidarro ah oo laga helay Qaddaafi. Laakiin Sarkozy wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.
 
Ilo ayaa sheegay in booliisku ay su’aalo waydiiyeen Brice Hortefeux oo isna ka tirsanaa golihii wasiirrada ee xiligii Sarkozy, arrintaasina waxay dhacday isla Talaadadan.
 
Eedaymahan ayaa ka imanaya Ziad Takieddine oo ah ganacsade Lubnaaniis ah oo haysta dhalashada Faransiiska iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii hore dawladdii Gaddafi.