Hot Topics

Kulankii Farmaajo iyo Xildhibaanada Daarood Oo fashil ku dhamaaday

Kulan dhexmaray Xildhibaanada Daarood iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa la kula tegey ka dib markii la isku fahmi waayey mooshinka Gudoomiye Jawaari.

Farmaajo ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay taageeraan mooshinka, isagoo sabab uga dhigay in Jawaari uu caqab ku yahay hawlaha xukuumada, isla markaana uu hawl kasta isbaaro u dhigtay. Farmaajo ayaa ku dheeraday in ay laga maarmaan tahay in dawladu wada shaqayso, Jawaarina ay ka quusteen in uu aqbalo wada shaqaynta .

Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi ayaa Madaxweyne Farmaajo waydiiyey in uu bilawgii mooshinka wax ka ogaa iyo in uu dhexda kaga soo dhacay. Farmaajo ayaa isku deyey in uu su’aasha ka warwareego, laakiin Xildhibaan Zakariye ayaa ku adkaystay in uu ka jawaabo su’aasha.

Farmaajo ayaa ugu danbayntii qirtay in uu dhexda kaga soo dhacay hawlaha mooshinka ee uusan isaga wax ka ogayn bilawgeedii.

Xildhibaan Zakiriye ayaa yiri Madaxweyne halka ay sarta ka qurun santahay waa in ajende dad kale leeyihiin aad mar walba ka shaqayso. Guux ayaa goobtii shirka ka bilawday, kaa soo dood kulul dhaliyey ugu danbayntiina keenay in shirka la soo xiro.

Xildhibaanadii taageersanaa Mooshinka ayaa niyad jab kala soo baxay shirka, halka kuwii diidanaa ay guul kala yimaadeen.