Hot Topics

Video:-Gudoomiye Jawaari “Ma jirin Mooshin laga keenay Raisul Wasaaraha, Meel cidlo ah ayaa lagu dagaal geliyay”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, isagoo kaga hadlay xiisadii ka dhalatay Mooshinka laga gudbiyey iyo ciidamada weli ku sugan xarunta Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayo dhabar adeygii ay sameeyeen khilaafka ka dhashay Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo xusay in wax walba lagu dhameeyey dastuurka dalka u yaalla.

Mar uu ka hadlayay ciidamada la geeyey xarunta Golaha Shacabka ayuu sheegay iney tahay markii ugu horeysay inta la xasuusto in xarunta Golaha shacabka ay ciidamo an aheyn kuwii loogu talo galay la wareegaan. waxaana uu golaha fulinta ugu baaqay inay ciidamaas ka qaadaan.

“Weli ma dhicin in xaruntii Baarlamaanka ee xormada lahayd ciidan la dul dhigo, amniga xarunta wuxuu saaran yahay guddoonka, hase yeeshee arrinta lagu kacay ma qurux badna, waxaan ugu baaqayaa laanta fulinta iney fara gelinta ka deyso Baarlamanka kana dul-qaado ciidamada” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Waxaa uu fariin u diray Ra’isul Wasaare kheyre oo sheegay inuu yahay Shaqsi wanagsan oo jecel dowladnimada, balse uu talo ka qaatay dadkii burburiyey Baarlamaankii 8aad sida uu hadalka u dhigay.

Jawaari ayaa xusay inuusan jirin mooshin laga waday Xukuumada RW khayre  meel cidlo ahna laga dagaal geliyey, wuxuuna ugu baaqay inuu xaaladda dhulka dhigo.

“Ma jirin wax mooshin ah oo laga waday raisul wasaaraha meel cidlo ah ayaa lagu dagaal geliyay, waxaan leeyahay arrinta dhulka dhig, waa nin dowladnimada jecel oo shaqeynaya, laakiin wuxuu ka talo qaataa Injineeradii ku soo takhasusay burburinta Baarlamaankii 8-aad” yuu yiri Guddoomiye Jawaari

Waxa uu intaa ku daray in Baarlamanka aysan wax faragelin ah iyo carqalad u geysan xukuumadda inay shaqadeeda ku taageeraan maahee, wuxuuna intaas ku daray in meel fog laga keenay dalkan oo la soo gaarsiiyey nidaam hufan oo dimoqraadi ah.

Wuxuu xildhibaannada xusuusiyey dhaartii ay mareen isagoo ugu baaqay Alle ka cabsi iyo inay damiirkooda la tashadaan, kana digtoonaadaan burburinta baarlamaanka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayuu ku tilmaamay inay yihiin Qaran-jire ilaaliya sharciga, hantida umadda iyo qaranimada ayna u taagan yihiin xoojinta dowladnimada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka