Hot Topics

Maxay yihiin amarada cusub Ee Gudoomiye Muudey soo saaray maanta?

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wax ciidan iyo hub aan lala soo geli karin agagaarka xarunta baarlamaanka, gaar ahaan ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadaba, sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay ka mas’uul yihiin ammaanka xarunta iyo agabka yaalla.

Qoraalkan ayaa loo arkaa mid ku socda Guddoomiye Jawaari oo Ilaalada Dhar cadka iyo Ciidamada AMISOM ay la galaan xarunta Baarlamaanka, waxaana la ogeyn xaalada ka dhalan karta arrintan.

Arrintan ayaa u muuqata wal wal iyo dhiilo cusub oo xaalada uga sii dari karta, isla markaana kulanka berri uu hareeyo qalalaase, isku dhac iyo fowdo, maadaama labada dhinac ee Guddoonka ay labo ajande oo iska soo horjeeda kala wataan.

 

 

Halkan ka akhriso warqada amarka ah:-