Hot Topics

Video:-Goormay kulmayaan halkeese ayay ku kulmayaan hogaamiyayaasha labada Kuuriya?

War saxaafadeed ay soo saareen labada Kuuriya ayaa sheegaya in wadahadallada dhexmari doona madexweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Moon-Jae-in lagu qaban doono magaalada ku taalla xaduuda ee Panmunjom.

Hogaamiyayaashan ayaa 27-ka bisha April qabanaya shirkoodii ugu horreeyay muddo laga joogo toban sano.

Waxaa lagu dhawaaqay taariikhda uu shirka dhici doono ka dib markii ay kulan yeesheen saraakiil ka socotay labada waddan.

Kulanka dhex mari doona madaxda labada Kuuriya ayaa la shaaciyey ka dib markii uu Mr Kim wadahadal la yeeshay madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping.

Kulankaasi oo ka dhacay Beijing ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu inuu hakin doono tijaabooyinka hubka nukliyerka, waxaana uu sidoo kale sheegay inuu bisha May la kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wafdi balaaran oo ka socda labada dhinac ayaa sheegay in shirka dhex maraya labada waddan uu ka dhici doono hoyga nabadda ee ku yaalla Panmunjom oo ku dhow xadka labada Kuuriya. Balse ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.

Wadahadalka dhex mari doona labada Kuuriya ayaa noqonaya tallaabadii ugu dambaysay tan iyo bilowgii sanadka, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ka qayb qaadatay ciyaaraha Olimbikada ee qaboobaha ee lagu qabtay Kuuriyada Koonfureed,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka