Hot Topics

Dowlada Somaliya Oo kusii siqaysa in daymaha laga cafiyo sanadka soo socda

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay tallaabadii koowaad ee Hey’adda IMF ay deymaha ugu cafineyso, kaddib markii ay buuxisay shuruudii koowaad ee barnaamijka SMP oo ay horay Wasaaradda Maaliyada ula saxiixatay Hey’adda IMF.

Barnaamijka SMP2 ayaa ah mid dowladda Soomaaliya u sahlaya in deymaha looga cafiyo, hadii ay buuxiso shuruudaha hor-yaala, waxaana saddexdii bilood ee u horeysay ay ku guuleysatay inay soo xareyso dakhliga gudaha ee looga baahnaa mudadaas oo ahaa lacag gaareysa 41-milyan oo dollar.

Sanadkan gudihiisa ayaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa inay ku buuxiso shuruudaha kale u harsan ee Barnaamijka SMP, kaasoo ah jidkii deymaha looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in wax badan u suura galay 3-dii bil ee la soo dhaafay, isla markaana ay rajeynayaa inta dhiman ay ku guuleystaan.

 

Dhanka kale qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee midwoga Yurub,ayaa lagu amaanay dowlada Somaliya guusha ay ka gaartay dakhli soo xaraynta sadexdii bilood ee udanbeeyay.

 

 

 

Waxaana qoraalka lagu yiri sida tan”