Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo Oo U hanbalyeeyay ra’isalwasaaraha cusub Ee itoobiya

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ra’iisul wasaare cusub u doortay Abiye Axmed,iyadoo islamarkiiba loo dhaariyay xilka.
 
Abiy oo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayaa qiray in “dimuqraadiyadda curdanka ah” ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee ka mid ah hogaamiyayasha caalamka ah ee u hanbalyeeyay hogaamiyaha cusub ee itoobiya.
 
Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Madaxweyne Farmaajo ayuu ku yiri”
 
”Spoke on the phone and congratulated H.E Abiy Ahmed. I assured him of my commitment to deepen our bilateral relations in promoting trade and investment and strengthening security for the region. I have no doubt PM Ahmed would steer our cooperation to new levels”
 
Ra’isalwasaaraha cusub ee maanta la dhaariyay Ahmed Abeye,ayaa ah aqoon yahan dhalinyaro ah mudo yarna siyaasada meel sare ka gaaray.
 
Waraysigii ugu horeeyay ee uu bixiyay ra’isalwasaare Ahmed Abeye ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay in geeska Africa uu qayb ka qaato nabadiisa iyo horumarkiisa si isfahan iyo tanaasul ahna uu ula shaqeeyo hogaamiyayaasha kale. ee geeska.