Hot Topics

Caanood waxaan dilnay 66-maleeshiaaydka Alshabaab Oo ay ku jiraan hor joogayaal

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaliyeed Cabdulaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa faa faahin ka bixiyay weerarkii lagu qaaaday xerada Amisom ee deegaanka Buula-mareer, degmada kuntuwaarey oo kawada tirsan gobalka shabellada Hoose weerarkaasi oo ay qaadeen dagaalamayaasha Al shabaab.
 
Abaanduulaha ayaa sheegay in weerarkaasi laga war hayay islamarkaana la fashiliyay.
 
Waxa uuna intaasi ku daray hadalkiisa in Al-shabaaabkii weerarka ku qaaday xerada Amisom ee Buula mareer looga dilay 66 dagaalame oo ay ku jiraan AMIIRO halka dhankooda waxyeelo ay kasoo gaartay ilaa iyo 3 Askari oo dhaawac ah sida uu hadalka u dhigay abaanduule Caanood.
 
Cabdullaahi Cali Caanood Abaanduulaha ciidamada xooga dalka soomaliyeed ayaa sheegay in dhawaan dagaalka saf mareen ah lagu qaadi doono dagaalamayaasha AL-Shabaab kaasi oo looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga suganyihiin dalka.
 
Sidoo kale waxa uu cadeeyay in dagaalka uu iclaamiyay abaanduulaha ee la qaadi doono aan loo kala hari doonin ayna qeyb ka noqon doonaan dhamaan masuuliyiinta dowladda soomaliya katirsan.