Hot Topics

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Si Ku-Meel Gaara U Magacaabey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Garowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 05 April 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Guddoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen kumeel gaar ah ee Degmada Garowe.
 
Xeer Madaxweyne Lr.53 April 05, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Garowe.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland,
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Garoowe.
 
Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.
 
1. Waxaa Axmed Maxamuud Ducaale si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Garowe.
 
2.Waxaa Cusmaan Maxamed Siciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Garowe.
 
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
 
=DHAMMAAD=
 
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.