Hot Topics

Maamul goboleedyada oo markii u horeysay xubno ku yeeshay Guddiga Dib u eegista Dastuurka

Guddiga Dib u eegista iyo la socodka arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in la kordhiyay tirada uu guddiga ka kooban yahay, iyadoo markii u horeysay xubno ka socday maamul goboleedyada lagu soo daray.
 
Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in lix xubnood oo ka socda maamul goboleedyada ay ku soo biireen guddiga.
 
Waxaa uu sheegay in Guddiga markii hore uu ka koobnaa 10 xubnood oo kala ahaa min shan xubnood oo ka kala socday Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddiga oo markii hore uu ahaa 10 xubnood uu hada noqon doono 16 xubnood, isla markaana ay si wadajir ah ay uga wada shaqeyn doonaan arrimaha dib u eegista Dastuurka.
 
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hor-yaga Guddiga joogtada Aqalka Sare, si uu warbixin uga siiyo halka ay mareyso howsha dib u eegista Dastuurka.