Hot Topics

Xiliga Uu dhacayo kulanka baarlamaanka Ee ka doodista Mooshinka Jawaari Oo la shaaciyay

Fariin qoraaleed loo diray goor dhaw mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa lagu wargaliyey in maalinta berri ah la qaban doono kalfadhiga baarlamaanka Faderaalka, kaas oo ajendahana lagu sheegay mooshinka laga keenay gudoomiye Jawaari.
 
Guddoomiye Muudeey ayaa ajandaha kulanka maalinka Berri ah ku sheegay in uu noqonayo ka dooddista mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka fadaraalka.
 
Fariimahan ayaa imaanaya xili dhinaca kale uu soconayo dadaal la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhashay mooshinka, hasse ahaatee waxaa muuqanaya in wali ay jirto kala aragti-duwanaan iyo farqi u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.
 
Ilo xog ogaal ah,ayaa u sheegay in kulanka lagu dhawaaqay noqon karo mid wiiqi kara dadaallada socda ee uu madaxweynuhu hormuudka u yahay.
 
Xaalada ayaa sacadihii ugu danbeeyay u muuqatay mid degan oo dhinacyadu isku soo dhawaanayaan, kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bilaabay in uu kulamo kala duwan la qaato guddiyo ka kala socday labada dhinac.
Halkan akhriso:-