Hot Topics

Video:-Daacishta Oo sheegatay Qaraxii Afgaanistaan

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas,uuliyadda laba qarax Isniintii shalay lagu dilay ugu yaraan 26 ruux oo ay ku jireen sagaal saxafi gudaha magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganstan.

Ugu yaraan 50 ruux oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay weerarkaasi ku dhaawacmeen. Weerarkaasi ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa eel ala eegto wariyaasha ka howlgalka dalka Afganstan.

Ururka ay ku mideysanyihiin saxafiyiinta Afganstan ee AJSC ayaa si adag u cambaareeyay weerarka.

Wariyaasha la dilay ayaa waxaa ka mid ah ahaa laba dumar ah oo ay ku jirto Maharram Durrani oo u shaqeyneysay Radio Free Europe/Radio Liberty.

Wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ayaa xaqiijisay in sawirqaadahoodii Kabul Shah Marai uu ku dhintay qaraxyadi shalay. Abadullah Hananzai iyo Abawoon Kakar ayaa ka mid ahaa wariyaasha geeriyooday.

Qaraxyada ayaa ka dhacya meel u dhaw xarunta Hey’ada Mukhaabaraadka Qaranka Afganstan.
Isbaheysiga NATO ayaa cambaareeyay weerarka. Kooxda Taliban ayaa hadal ay soo saartay isaga fogeysay weerarkaasi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Halkan hoose ka daawomuuqaalka