Hot Topics

Video:-Madaxweyne Gaas Oo mashaariic xariga kaga jaray Qardho,kana jawaab celiyay Eadayntii W.ku xigeenka Kaluumaysiga

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo saaka ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa magaalada Qardho waxa uu ka daahfuray mashaariic horumarineed oo isugu jirey waddooyin laami ah iyo xarumo kale oo isugu jira kuwa dowladeed iyo kuwa kale ee dadweynaha Qardho loogu adeego isagoona booqday kuwa shaqo ku socoto.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta qardho gaaray ayaa wax laga waydiiyay eedayn uu madaxweynaha usoo jeediyay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda.
 
Madaxweyne Gaas oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa yiri”in wasiirku shatiyadii dawlada ayaa si qaab daran u maamulay, difaacida uu si difaacayo hadana ha isku difaaco marka maxkamada la horkeeno”,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka