Hot Topics

Qarax lal eegtay Ciidamada kenya Ee ku sugan Gudaha Somaliya

Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ee Jubaland,ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday baabuur kuwa milatariga ah oo ay saarnaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.
 
Baabuurkaas milatariga ah ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Kenya una soo socday dhinaca magaalada Dhoobley, waxaana uu ka mid ah saddex babauur oo ku jirtay roondo.
 
Warka ayaa ku daraya in baabuurkaasi uu gebi ahaantiisba uu burburay.
 
Ugu yaraan toddoba ka tirsan ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi laba kalena ay ku dhaawacmeen.
 
Dadka deegaanka ayaa iyagu sheegay in qaraxu saameeyey laba baabuur dhimashaduna intaasi ka badan tahay.
 
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen ilaa 15 askari oo reer Kenya ah.
 
Dhanka Dawladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan.