Hot Topics

Koonfur-Galbeed:-Dagaal xoog leh oo khasaare fara badan dhaliyay oo ka dhacay Somaliland

Dagaalo xoogan ayaa ka socda deegaanada Siigadheer, Marqa-caddo iyo Degmada Ceel-afweyn kuwaasi oo ay ku dagaalamayaan laba maleeshiyo beeleed.
 
Dagaal oo u dhaxeeya laba beelood oo wada degan deegaanadaas saddexda ah ayaa la sheegay inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkasta oo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ee dagaalka ka dhashay.
 
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Degmada Ceel-Afweyn dagaal ka dhacay ay ku geeriyoodeen 7-ruux oo ay mid haweeney tahay, sidoo kale deegaanka Fadhigaab iyo Dhidinka waxaa ku Naf waayay dagaalka oo gaaray 14-qof.
 
Labada beelood ee ku diriray deegaamadaas ayaa ku guda jira hub iyo maleeshiyo hor leh urursi waxaana la fili karaa maalmaha soo socda dagaalo kale oo xoog badan.
 
La soco wararkayaga danbe