Hot Topics

Alshabaab oo Gabar kale dhagax ku dilay

Shukri Abdullahi Warsame ayaa waxaa laguso eedeeyay In ay guursatay 11-jeer ayadoon iska furin ninkii ugu horeeyay ee guursaday .

Ninkii ugu horeeyay ee guursaday ayaa dacwad ka geeyay maxkamad ay ka arimiyaan ururka alshabaab ee ku taala gobolka shabeelada hoose . 

Waxaa maxkamadii soo xaadiray 9 nin oo uu kamidyahay ninkii ugu horeeyay ee qabay gabadhaan .

Ragaan ayaa dhamaantood sheegay in ay qabaan gabadhaan wali , halka midkii ugu horeeyayna uu ku adkaystay inuusanba furin .

Ugu damabayntii shukri waxay ururka alshabab ay ku fuliyeen amar ah in dhahax nafta Looga qaado. Sidaa ayayna ku geeriyootay gabadhaas .

madaxa ururka alshabab ee shabeelada hoose Mohamed Abu Usama ayaa sidaan u sheegay wakaalada #Reuters .