Hot Topics

Kenya:- 27 qof oo ku geeriyootay biyo xireen go’ay

Biyo xireen ku yaalla gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa qarka jabsaday, waxaana ku dhintay ugu yaraan 27 qof.

Biyo xooggan ayaa xaaqay guryo badan iyo goobo ganacsi, kadib markii uu go’ay biyo xireenka Patel Dam ee magaalada Solai, oo 150 KM Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Nairobi.

Saraakiil ayaa sheegtay in afartan qof lasoo badbaadiyey, islamarkaana la dhigay isbital, ayada oo shaqaalaha gurmadkana ay weli raadinayaan dad kale oo la rumeysan yahay inay xanniban yihiin.

Gobolka ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaa ka da’ayey roobab xooggan oo sababay daadad iyo dhiiqo guur horey u dilay 130 qof.

Dowladda Kenya ayaa arbacadii sheegtay in roobabka ay barakiciyeen 220,000 qof.

 

 

Xigasho VOA..