Hot Topics

Amniga Sh/Hoose oo sii xumaanaya kadib doorashadii Madaxweyne Farmaajo

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro iyo qaraxyo ay dad ku dhinteen.

Waxaa qarax weyn oo ay dad badan ku dhinteen uu ka dhacay suuq ku yaala degmada Wanlaweyn, ayada oo dhinaca kalena duqeyn ay ka dhacday deegaanka Bariire.

Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Qoryooleey.