Hot Topics

Beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-Ararsame oo gaaray is afagrad hor dhac ah

Waxaa Soo gaba-gaboobey shirkii adkaynta Nabada iyo hirgalinta heshiiskii Nabada ee horey uga dhacey Maygaagle, munaasabadaan oo ka dhacdey deegaanka Saax-dheer ka dib markii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac u fidiyey casumaad Islaan Bashiir Islaan Abdulle Islaan Faarax iyo waftigiisa
 
Furkii ayaa labada dhinacba lagula kala wareegay oo isugu jirey hub iyo gaari Cabdi bile ah oo Cumar Muhammud wareejiyeen iyo baaq nabadeed waa lagu dhawaaqey labada dhinacba
 
Cid kasta oo heshiiskaas ka dib dhib gaysata iyada shakhsi ahaan ayaa laga qaadayaa tilaabada ku haboon ee sharciga islaamka waafaqsan
 
La socoo wararkayaga danbe iyo gabagabada heshiiska oo buuxa.