Hot Topics

Puntland:-Daawo Cumar Maxamuud iyo Bah-Ararsame oo si rasmi ah usoo afjaray colaadii

Waxaa Soo gaba-gaboobey shirkii adkaynta Nabada iyo hirgalinta heshiiskii Nabada ee horey uga dhacey Maygaagle, munaasabadaan oo ka dhacdey deegaanka Saax-dheer ka dib markii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac u fidiyey casumaad Islaan Bashiir Islaan Abdulle Islaan Faarax iyo waftigiisa
Furkii ayaa labada dhinacba lagula kala wareegay oo isugu jirey hub iyo gaari Cabdi bile ah oo Cumar Muhammud wareejiyeen iyo baaq nabadeed waa lagu dhawaaqey labada dhinacba
Cid kasta oo heshiiskaas ka dib dhib gaysata iyada shakhsi ahaan ayaa laga qaadayaa tilaabada ku haboon ee sharciga islaamka waafaqsan.
 
Dhanka kale Islaan Bashiir islaan cabdulle ayaa ergada Beesha Bah-Ararsameee uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali,waxuu casuumad ugu fidiyay Magaalada Gaalkacyo kalka danbe.
 
Dhamaynta colaadan aya aah talaabo taariikhiya madaaama ay soo jiitamaysay mudo dheer.
 
labadan beelood ayaa ka sakow wada dhaalshadooda waxay hadana wadaagaan ehelnimo soke,xiditinimo iyo deegaan .
 
Heshiiskooda ayaa waxa laga soo dhaweeyya guud ahaan Puntland.hoos ka dawo muuqaalka oo faahfaahsan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka