Isku Ekaanta Farmaajo iyo Cabdiqaasim Sallaad!!

Cabdiqaasim Sallaad wuxuu ka soo jeeday deegaanka Gobolka Galguduud dhalasho iyo dhaqan ahaan
 
Farmaajo wuxuu kasoo jeedaaa Deegaanka Galguduud dhalasho iyo dhaqan ahaan.
 
Cabdiqaasim wuxuu aad ugu aragti dhawaa Maxamed Siyaad Bare wuxuuna aad uga soo horjeeday nidaamka Federaalka
 
Farmaajo wuxuu aad iyo aad aamisan yahay in Siyaad Bare uu ahaa taliskiisii mid an maanta u baahan tahay Dawlad oo federaalka yahay wax qaldan
 
Cabdiqaasim Sallaad wuxuu aamin sanaa beelaha uu ka dhashay Cabdullahi Yuusuf iyo Caydiid ama Cali Mahdi in yihiin kuwa soomaali ka dagi la’day loona baahan yahay in la caburiyo
Farmaajo wuxuu Aamin sanyahay Puntland iyo Siyaasiyiin Beelaha Habargidir iyo Jubbaland ay yihiin kuwa Somalidu ka dagi la’dahay
 
Cabdiqaasim wuxuu xukunkiisa ku dhameystay hotel isagoo wadaniyad ka sheekayna iyo Itoobia ayaa col inoo ah.
 
Farmaajo wuxuu xukunkiisa ku dhameysan doonaa isagoo Villa Soomaaliya fadhiya oo sheegaynaya NABAD iyo NOLOL iyo wadaniyada sawiro badan wadata Tuutahana isku sawirta.
 
Cabdiqaasim waxaa taladiisa gacan ku hayay Urur Diimeed Al-Islaax iyaga ayaa xaalaasha iyo xaaraamta u kala sheegi jiray mana gaadan talo aysan iyagu goyn
 
Farmaajo waxaa taladiisa gacanta ku haya Urur-Diimeedka Al-islaax mana qaadi karo talo aan loo yeerin.
 
Cabdiqaasim waxaa siyaasadiisa Maamuli jiray Dalka Masar oo Awaamiir siin jirtay gaar ahaan inuu marwalba cadaawo u muujiyo dalka Itoobia
 
Farmaajo Siyaasadiisa waxaa gacanta ku haysa Dalka Qatar waxayna ama kusiisaa Farmaajo cadaawaha Dalka Imaaraatka .
 
Cabdiqaasim waxaa Reysawaare u ahaa Nin aad iyo aad u Hadal badnaa oo Faan badnaa,isla markaana Khudbado dhaadheer oo aan waxba ka danbeyn ku hadli jiray mar walba
 
Farmaajo waxaa Reysul wasaare u ah Nin Khudbado dhaadheer oo iska hadal ah sheega isla markaana dhaqankiisu yahay faan aad u badan iyo dhaar aan meelna jirin.
 
Cabdiqaasim markii la arkay hab dhaqankiisa waxay sameysteen Madaxdii waqtigaas Golaha SRRC
 
Farmaajo markii hab dhaqankiisa la arkay waxay sameysteen Maamulada dalka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo hada jira
 
Cabdiqaasim wuxuu ku eedeyn jiray Golaha SRRC in ay u shaqeeyaan Itoobia
 
Farmaajo wuxuu ku eedeeyaa Golaha Maamul Goboleedyada inay u shaqeeyaan Imaaraatka
 
Habada, xagee ku danbeeyay Cabdiqaasim Sallaad ?.
 
Cabdiqaasim wuxuu ku dhameystay isagoo Muqdisho Hotel ka murmaya waxaana ka tashtay dhamaan Madaxdii Soomalida,iyagoo shir ku qabsaday Nayroobimarkii danbena u wareegay Inbagati,shirkaas oo lagu soo dhisay xukuumadii Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ,iyadoo Cabdiqaasim lagu yiri xilka wareeji iskana tag,ugu danbayna wuxuu hada fadhiyaa Masar oo ahayd dawladii Maskaxda u ahayd.
 
Farmaajo xagee ku danbeyn doonaa?.
 
Farmaajo sida ka muuqata hab dhaqan kiisa wuxuu doonayaa in uu ku dhameysto xukunkiisa Villa soomaaliya isagoo cabsi ku jira inta u harsan, waxaana muuqata in laga tashtay,iyadoo sannad ka dib waxba aan la weydiin doonin,ugu danbayna sidii Cabdiqaasim wuxuu u carari doonaa dalkii uu maskaxdiisa ku shaqaynayay ee Qatar.