Hot Topics

Video:-Puntland”Dowlada Fadaraalku waa ku biirtay colaada Tukaraq waxayna garab siinaysaa Somaliland”

Gudiga difaaca dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen lacag dhan 1-million oo dollar oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadka duufaantu saamaysay ee ku nool Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xirsi Tima-cadde iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa soo dhoweeyey lacagtaasi in loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan haseyeeshee waxa ay tilmaameen inay habboonayd in loo marsiiyo culimada iyo hayaddaha Khayriga ah si aan loogaga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed.

Lacagtan halka Milyan ah ee Ra’isalwasaare xigeenka Dowlada Fadaraalka gudoon siisay maamulka Waqooyi-Galbeed ee loo yaqaan Somaliland waxaa qayb ka ah Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Waxaa lawada ogsoon yahay in Xamar iyo Beledweyne ay daadad iyo fatahaado xoog leh ka dhaceen xataa aan la siin lacagtan wax u dhow.

Lacagtan ayaa la oran karaa ama lagu tuhmi karaa waxaa laga leeyahay qorshe iyo ujeedooyin qarsoon oo ay ugu horayso garab istaag maamulka Jeegaanta lagu garab istaagayo xasuuqa shacabka Laascaanood.

Maalin ka hor ayay ahayd markii isla Ra’isalwasare xigeenka Fadaraalka Mahdi uu usoo diray Maamulka Jeegaanta qalabka lagu sameeyo Basaboor Somaliga si ay ugu sahlanaato maamulkaas in Ciidamadii kaga dhaawacmay dagaalkii Tukaraq loo qaado caafimaad dibada ah.

Dowlada Puntland ayaa hakisay Basaboor Somaligii ay ka qaadan jireen Dadka Gobolada waqooyi-galbeed Somaliya Xaafiiska socdaalka ee Garowe,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee ay qabteen Gudiga difaaca Dowlada Puntland oo ay arinkaas kaga hadlayaan.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka