Hot Topics

Alshabaab oo la wareegay Deegaanka Daynuunaay Ee duleedka Baydhabo

Dagaalamayaasha Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanka Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo xarunta KMG-ah ee maamulka Koonfur-Galbeed sida ay ku qoreen bar ay wararkooda ku baahistaan kooxda Al-Shabaab.
 
Al-Shabaab ayaa sheegay in Jihada Koofureed ay ka weerareen deegaankaas,kadibna ay kala wareegeen Maleeshiyadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa.
 
Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in uu jiray dagaal waqti kooban qaatay oo halkaasi ka dhacay.
 
Saraakiisha Maleeshiyada maamulka Koonfur-Galbeed,ayaa iyaguna xaqiijiyay in deegaankan oo qiyaastii 26-KM u jira magaalada Baydhabo ay uga baxeen dib ugurasho dagaal ayna dib ugu soo laaban doonaan dhawaan.
 
Xaaladda deegaanka ayaa hadda degan waxaana la sheegay in Maleeshiyadii ka baxay Daynuunaay ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka,ayna wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo Abaabul dagaal oo ay rabaan in ay dib ugu soo laabtaan Saldhigoodii Daynuunay.