Hot Topics

Qaramada midoobey Oo baaq udirtay Puntland iyo Somaliland

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay Puntland iyo Somaliland in ay joojiyaan colaadda Gobolka Sool,isla markaana ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan,
 
Sidoo kale Qaramada midoobey waxay ku boorisay in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani’aadannimo.
 
Hadalkan ayaa shalay kasoo baxay fadhigii Golaha amaanka ee Qaramada midoobey uu ka sheegay arimaha Somaliya.
 
Puntland ayaa horayba u tixgalisay baaqyo iyo codsiyo uga yimid beesha caalamka ,kaasoo lagu dalbanayay in la hakiyo colaada Puntland iyo Somaliland,balse Muuse Biixi ayaa noqday Nin wax walba oo xal ah ka dhago adaygay.
 
Musse Biixi ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhego adeygay baaqa Beesha Caalamka ee ahaa in ciidamada Somaliland laga qaado Tukaraq lana geeyo deegaanka Oog ee gobalka Sool, halka ciidamada Puntland iyagana dul fadhiya Tukaraq loogu baaqay in dib loo celiyo.