Hot Topics

Dib Udhac ku yimid shirkii amniga Somaliya Ee Brussels

Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii Biljim ee looga xaajoonayay amniga Somaliya.

Shirkaas ,ayaa loo balansanaa 26-ka bishan,balse dib u dhac ayaa ku yimid,kadib markii ay sidaa codsadeen madaxda Somalida oo isu diyaarinaya Todobaadakan dabaaldegyda maalmaha xoriyada guud ahaan Somlida.

Shirka ,ayaa dib loo dhigay ilaa 16-bisha danbe,iyadoo ay kasoo qaybgali lahaayeen guud ahaan madaxda Dowlada Fadaraalka iyo madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Shirka Biljim,ayaa looga xaajoon doonaa sida ugu macquulsan oo loo dhisi karo Ciidan Qaran oo ay Somaliya yeelato,waxaana qayb ka ah wafuud sarsare oo ka kala socda Wadamada daneeya arimaha Somaliya.