Hot Topics

Jeneral Gabre Oo laga qaaday xilkii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD

Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsges oo ku magac dheer (Jeneral Gabre).

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo.

Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey.

Siiqada ay u qornayd warqadda xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd mid aad u adag oo aan inta badan la adeegsan marka la eryayo mas’uul sare.

Inkastoo aysan caddayn sababta shaqada looga eryey jeneraal Gabre, hadana dadka wax indha-indheeya waxay ku sababaynaa isbadalka ku yimid hogaaminta Itoobiya oo muuqata mid ku mashquulsna wiiqida saraakiisha Milatariga iyo sirdoonka ee kasoo jeeda qawmiyada Tigreega.

Jeneral Gabre wuxuu ku maqnaa markii xilka laga qaadayey dalka South Sudan oo hawlo shaqo uu u aaday.

Jeneral-ka xasaasiyada uu ku dhex leeyahay magaciisu Somalida dhexdeeda, ayaa xilikan loo magacaabay Sannadkii hore,bisii Juun  xilkan ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee IGAD, oo ah xil siyaasadeed.

 

 

 

 

Halkan ka akhriso wareegtada xilka qaadista