Hot Topics

Cabdikariin Qalbidhagax Oo ay Dowlada Itoobiya sii daysay maanta

Dowlada Itoobiya ayaa maanta siideysay C/kariim Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo in mudda ah u xirnaa, kaas oo loo haystay in uu ka mid ahaa Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta deegaanada Soomaalida Itoobiya.
 
Mid ka mid ah Xubnaha Jabhadda ONLF oo ka mid ah,ayaa xaqiijiyay in la siidaayay saaakay 8-dii aroornimo Qalbi dhagax,
 
Qalbidhagax,ayaa caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay,soo deyntiisa,ayaa lla sheegay in ay ku timdi wada xaajood dhexmaray jamhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya.
 
Majirto wax door ah oo ay ku lahayd Dowlada Fadaraalka Somaliya sii daynta Qalbidhagax oo ay iyadu horay ugu wareejisay Dowlada Itoobiya.
 
Xiliga la qabtay ayuu ku sugnaa deegaamada maamulka Galmudug.
 
Dowlada Itoobiya ayaa ku eedeeysay Qalbidhagax in uu yahay Argagaxiso ka mid ah ONLF iyo Al-shabaab.